Real Madrid Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dhaawacii Marcelo Ka Soo Gaadhay Kulankii Getafe.


Kooxda Real Madrid ayaa warbixin ka soo saartay xaalada dhaawac ee daafaca Marcelo kaas oo ku dhaawacmay kulankii Getafe ee horyaalka La Liga.

Marcelo ayaan dhamaysan kulankii Geatfe isaga oo ciyaarta ka baxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Marcelo ayaa maray baadhitaan dheeraad ah saacadihii la soo dhaafay si loo ogaado dhaawaca soo gaadhay daafaca reer Brazil.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu xiddigu ka dhaawacmay muruqa lugta Bidix iyada oo aan sheegin mudada uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono.

Laakiin idaacada Cadena Cope ayaa sheegtay in uu Marcelo garoomada ka maqnaan doono muddo 20 maalin ah kadib markii uu dhaawacu soo gaadhay.

Dhaawacan ayaa la macno ah in uu xiddigu seegi doono kulanka Atalanta ee wareega 16-ka champions League xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE