Sevilla Oo Garaacday Barcelona Hal Lugna La Gashay Final-ka Copa Del Rey-ga.


Kooxda Barcelona ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Sevilla kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega Semi-final-ka tartanka Copa Del Rey-ga.


Qaybta Hore:

Kooxda Barcelona ayaa Si Dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay goolal wakhti hore ah ka dhaliyaan kooxda Sevilla.

Goolhayaha Kooxda Sevilla ayaa fursad cajiib ah ka badbaadiyay xiddiga Lionel Messi kaas oo ku dhawaaday in uu gool ka dhaliyo kooxda Sevilla.

Kooxda Sevilla ayaa dhankeeda daqiiqado yar kadib ugu jawaabtay fursad dhankooda ah iyada oo xiddiga Suso goolka Barcelona garab mariyay fursad cajiib ah.

Kooxda Sevilla ayaa daqiqiadii 25-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jules Koude kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Barcelona ayaa isku dayday in ay dhaliso fursado ay ku raadinaysay goolka bar-baraha xilli ay Sevilla si fiican u difaacatay goolkeeda.


Qaybta dambe:

Kooxda Barcelona aya qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta xilli ay Sevilla difaac ku jirtay.

Qaybtii dambe ee ciyaarta Barcelona ayaa ahayd kooxda fiican dhan walba laakiin ay goolal ka maqnaayeen xilli ay Sevilla qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Xilli ay kooxda Barcelona ku mashquulsanayd sidii ay u keeni lahayd goolka bar-baraha kooxda Sevilla ayaa ciyaarta gabi ahaan dishay.

Daqiiqadii 85-aad ayay Sevilla dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ivan Rakitic oo ah xiddigii hore ee kooxda Barcelona isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo ay Sevilla garaacday Barcelona hal lug-na la gashay Final-ka tartanka Copa Del Rey-ga ka hor kulanka lugta 2-aad ee ka dhici doona Camp Nou.


Source: laacibfm.com

SHARE