Shaxda Ugu Fiican Ilaa Haatan Premier League Oo La Soo Saaray


Waxa la dhaafay qaybtii hore ee xilli ciyaareedka premier League iyada oo lagu jiro qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan kaas oo maraya meel xiiso leh.

Waxa jira xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay ilaa haatan xiilli ciyaareedkan waliba kooxohooda ka caawiyay guulo muhiim ah.

Shabakada Goal ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee ilaa haatan xilli ciyaareedkan horyaalka premier League kadib xiddigo qaab ciyaareed fiican oo soo bandhigay.

Kooxda Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka Kooxaha Tottenham iyo Aston Villa ku leeyihiin min 2 xiddi.

Kooxaha Man United, Man City, Chelsea iyo Brighton ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican ilaa haatan todobaadkan premier League.


Source: laacibfm.com

SHARE