Thomas Tuchel Oo Ka Warbixiyay Xaalada Thiago Silva Ka Hor Kulanka FA Cup-ka.


Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in ayna chelsea ku deg-degi karin soo kabsashada daafaca Thiago Silva.

Daafaca reer Brazil ayaa seegi doona kulanka FA Cup-ka ee ay chelsea la ciyaari doonto kooxda Barsley isaga oo tababaraha chelsea qirtay in loo samro daafaca.

Daafaca Ayaa ku dhaawacmay kulankii ay chelsea guusha 1/0 ah ka gaadhay Tottenham waxana uu seegay kulankii Sheffield United ee premier League.

“Thiago wuu seegi doonaa kulanka Barsley, waxa uu dareemayaa caafimaad laakiin waxa uu qaadanaya daawayn badan”ayuu Tuchel Yidhi.

“Si fiican ayaa u garanayaa Silva waxana aan wada shaqaynay sanadihii ugu dambeeyay sidaas darteed Thiago waxa uu daqiiqad walba ku qaadanayaa in uu soo kabsado”ayuu sii raaciyay.

“Laakiin soo kabasashdiidu wakhti ayay qaadanaysa sababta oo ah waa dhaawac muruqa ah kuma qasbi karno in uu soo laabto”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE