Waa Sidee Rajada Man City Ee Saxiixa Lautaro Martinez?


Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay ka quusatay saxiixa xiddiga weerarka kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez.

Sergio Aguero ayaa la filayaa in uu isaga tago Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana la filayaa in ay weeraryahan cusub la soo saxiixato xagaaga.

Lautaro Martinez Ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona sanadkii hore laakiin Kooxda Pep Guardiola ayaa bartilmaameed ka heshay dhigatay xiddiga 24 jirka ah.

Laakiin wargayska Eurosport ayaa sheegaya in uu xiddiga Lautaro Martinez ku dhawyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Inter Milan.

Sidaas darteed rajadii Man City saxiixa xiddiga Lautaro Martinez ayaa u muuqata mid dhimatay waliba ayna heli doonin xiddiga xagaaga.


Source: laacibfm.com

SHARE