WAR XUN: Masiibada Dhaawacyada Real Madrid Oo Sii Xumaanaysa & Xiddig Kale Oo Xalay Ka Dhaawacmay Kooxda Zidane.


Qaab ciyaareedkii Marcelo ee kulankii Getafe ayaa siiyay Real Madrid warkii ugu fiicnaa in muddo ah xilli uu xiddiga reer Brazil soo qaatay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.

Marcelo ayaa ka ciyaaray qaab weerar ah isaga oo aan ku qasbanayn masuuliyad difaac oo badan waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Tababare Zinedine Zidane ayaa haatan og wado uu qaab ciyaareed fiican kaga soo saaro mid ka mid ah xiddigaha uu ugu jecelyahay Real Madrid.

Marcelo ayaa xitaa cawiye ka noqday goolkii 2-aad ee ay kooxda Real Madrid ka dhalisay kooxda Getafe ee uu dhaliyay Ferland Mendy.

Laakiin warka xun ayaa ah in uu Marcelo dhaawac uga soo baxay ciyaarta daqiiqado ka hor inta ayna ciyaartu dhamaan isaga oo xanuun ka dareemay kuraanta waxana lagu balay Victor Chust.

Waa dhaawacii ugu dambeeyay ee soo gaadha kooxda Real Madrid xilli inta badan ee xiddigaha kooxdu dhaawac ku maqan yihiin.


Source: laacibfm.com

SHARE