Zinedine Zidane Oo Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa Ee Difaacashada Horyaalka La Liga Xilli Ciyaareedkan.


Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ku adkaysanaya in ay kooxdiisu wali ku jirto tartanka horyaalka La Liga waliba difaacan karto horyaalka kadib guushii 2/0 ahayd ee ay Real Madrid ka gaadhay Getafe.

Goolal ay dhaliyeen Karim Benzema iyo Ferland Mendy ayaa Real Madrid ka caawisay in ay garaacdo kooxda Getafe kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa 5 dhibcood ka dambaysa kooxda Atletico Madrid kuwaas oo 2 kulan gacanta ku haysta.

“Uma malaynayo in taageerayaasha Real Madrid rumaysanyihiin in aan ku guulaysan karno horyaalka”Ayuu Zidane yidhi.

“Laakiin waxa ay mar walba rumaysan yihiin in aan ka bixi karno wakhtiga adag”.

“Waana waxa aan samaynayno haatan inkasta oo ay adagtahay hadan waan rumaysanahay nafteeda waanan ku guulaysan karnaa horyaalka sababta oo ah waxa dhiman kulamo badan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE