Chelsea Oo Iska Xaadirsay Qaurter-Final-ka FA Cup-ka Kadib Guul Ay Ka Gaadheen Barnsley


Kooxda chelsea ayaa guul dirqi ah ka gaadhay Koxoda Barsley iskana xaadiriyay wareega Quarter-Final-ka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Tababare Thomas Tuchel iyo kooxdiisa ayaa sii wada guulaha kadib markii ay garaaceen kooxda Barsley kulan ku adkaa Blues.

Kooxda Chelsea ayaa ku bilaabatay si aad u hoosaysa ciyaarta iyaga oo ku dhibaatooday in ay Barsley ku qaadaan weeraro halis galinaya kooxda.

Dhanka kale kooxda Barsley ayaa chelsea ku qaaday weeraro halis ah kuwaas oo ahaa kuwo goos-goos ah kuna doonayeen goolal.

Goolhayaha Chelsea ee Kepa ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah oo uu kooxda Barsley kaga hor istaagay gool cadaan ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay chelsea ku dhibaatootay in ay saamayn ku yeelato ciyaarta.

Qaybtii dambe ayuu Thomas Tuchel sameeyay is badal isaga oo shaxdiisa ku soo bilaabay xiddigo muhiim u ah kooxda chelsea.

Chelsea ayaa  qaab dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe ee ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta wax kaga badaaln.

Badalka uu durba saamayn ku yeeshay ayaa keentay in ay chelsea halis galiso goolka kooxda Barsley kuwaas oo difaacanayay qaybta dambe.

Daqiiqadii 64-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Tammy Abraham kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kadib goolkaas Chelsea ayaa difaac adag gashay iyada oo Barsley ahayd kooxda weerarka badan maadama ay doonaysay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea gaadhay guul dirqi ah oo ay sidaasna isaga xaadirisay Quarter-Final-ka FA Cup-ka.


Source: laacibfm.com

SHARE