Go’aanka PSG & Man United Ee Saxiixa Sergio Ramos Oo La Ogaaday.

Go’aanka PSG & Man United Ee Saxiixa Sergio Ramos Oo La Ogaaday.


Saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in ayna kooxda Man United wax xidiidh ah la samayn daafaca Sergio Ramos si ay u hesho saxiixa daafaca.

Heshiiska Sergio Ramos ee Real Madrid ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka waxana loo badinayaa in uu isaga tago kooxda xagaaga.

Ramos ayaa si weyn loola xidhiidhinayay maalmihii ugu dambeeyay iyada oo la sheegayay in ay Red Devils u dhaqaaqi doonto saxiixa daafaca marka uu heshiiskiisu dhoco.

Laakiin Fabrizio Romano ayaa sheegay in ayna Man United wax xidiidh ah la samayn daafaca ilaa haatan si ay u hesho saxiixiisa.

Isla saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay kooxda PSG Tahay kaliya kooxda xiisaha dhabta ah u qabta saxiixa daafaca iyaga oo la xidhiidhay wakiilkiisa.

Laakiin xiddiga ayaan wali wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid isaga oo u furan wax walba.


Source: laacibfm.com

SHARE