Ivan Rakitic Oo Saadaaliyay Kulanka Champions League Ee PSG & Barcelona.

Ivan Rakitic Oo Saadaaliyay Kulanka Champions League Ee PSG & Barcelona.


Xiddigii hore ee kooxda Barcelona haatana u ciyaara kooxda Sevilla Ivan Rakitic ayaa saadaaliyay in ay kooxda Barcelona garaaci doonto PSG Kulanka wareega 16-ka champions League.

Kooxda Ronald Koeman ayaa la ciyaari doonta PSG todobaadka dambe kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Xiddiga Rakitic oo kooxdiisa Sevilla ku hogaamiyay guul ay ka gaadhay Barcelona Lugta 1-aad ee Copa Del Rey-ga Arbacadii.

Laakiin Rakitic ayaa aaminsan in ay kooxdiisii hore garaaci doonto PSG kulanka champions League.

“Waxa aan saadaalinayaa in ay Barcelona garaaci doonto PSG kana reebi doonto tartanka champions league”ayuu sheegay.


Source: laacibfm.com

SHARE