Karim Benzema Oo Hal Shardi Ku Xidhay In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Real Madrid.

Karim Benzema Oo Hal Shardi Ku Xidhay In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Real Madrid.


Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa hal shardi ku xidhay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid.

Heshiiska Benzema ee Real Madrid ayaa dhici doona xagaaga 2022 waxana ay Kooxdu doonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer France.

Karim Benzema ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray xagaagii 2009 isaga oo kooxda koobaab badan kula guulaystay.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Karim Benzema diyaar u yahay in uu Heshiis cusub u saxiixo koxda Real Madrid laakiin hal shardi ku xidhay.

Benzema ayaa ku jira sanadkiisii 33-aad sidaas darteed xiddiga ayaa Real Madrid u sheegay in uu diyaar u yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Laakiin doonayo in uu hubiyo in uu jidh ahaan awood u leeyahay in uu kubada cagta ku sii ciyaari karo heerka ugu sareeya.

Karim Benzema ayaa la sheegayaa in uu marka hore doonayo in uu hubiyo in uu awood u leeyahay in uu heerka ugu sareeya ku ciyaari karo ka hor inta uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE