Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Liverpool Oo Seegay Tababarka Ka Hor Kulanka Leicester City.

Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Liverpool Oo Seegay Tababarka Ka Hor Kulanka Leicester City.


Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa kulanka adag ee ay sabtida la ciyaari doonto kooxda Leicester City waxana tababarka seegay laba xiddig oo muhiim ah.

Xiddiga Thiago Alcantara iyo Fabinho ayaa seegay tababarkii ugu dambeeyay ee kooxda Liverpool ka hor kulanka Leicester City.

Thiago ayaa ciyaarta laga saaray iyada oo 22 daqiiqo ka dhimantahay kulankii ay Liverpool guuldarada 4/1 ah kala kulantay kooxda Man City.

Fabinho oo inta badan ee xilli ciyaareedkan laga ciyaarsiiyay daafaca dhexe ayaa Dhaawacyo la dhibaatoonayay kulamadii ugu dambeeyay.

Labada xiddig ayaa haatan la sheegayaa in uu shaki ku jiro taam ahaanshohooda kulanka adag ee ay la ciyaari doonto Liverpool kooxda Leicester City.


Source: laacibfm.com

SHARE