Lionel Messi Oo Khatar Ugu Jira Ganaax Dusha Laga Saaro Kadib Talaabo Uu Qaaday Kulankii Copa Del Rey-ga.

Lionel Messi Oo Khatar Ugu Jira Ganaax Dusha Laga Saaro Kadib Talaabo Uu Qaaday Kulankii Copa Del Rey-ga.


Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa khatar ugu jira in ganaax dusha laga saaro kadib markii ay Kamerooyinku qabteen isaga oo jiqil garka u galinaya xiddig kooxda Sevilla ah.

Lionel Messi ayaa ka qayb qaatay kulankii ay kooxda Barcelona guuldarada kala kulantay kooxda Sevilla lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Copa Del Rey-ga.

Lionel Messi ayaa ka badbaaday in kaadhka cas loo taago intii uu socday kulanka kadib markii uu Jiqil garka u galiyay xiddiga kooxda Sevilla ee Joan Jordan.

Caawiyaha Garsooraha ee VAR ayaan qaban dhacdada taas oo keentay in uuna garsooruhu wax talaabo ah qaadin intii ay socotay ciyaartu.

Laakiin wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in uu Messi wajahayo khatar ah in ganaax dusha laga saaro hadii dambiga lagu helo.


Sii Akhriso:

U Gaar Ah Ragga: Hadii Aad Doonayso In Aad Nabad Ku Noolaato Ka Fogod Kana Baxso Dumarka Dabeecadahan Leh


Source: laacibfm.com

SHARE