Liverpool Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Bayern Munich Ee Bayern Munich.

Liverpool Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Bayern Munich Ee Bayern Munich.


Kooxda Liverpool ayaa Bayern Munich uga digtay saxiixa xiddiga Mohamed Salah isaga oo u sheegay in uuna xiddigu iib ahayn xagaaga.

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay tartanka saxiixa xiddiga kula biirtay Real Madrid iyo Barcelona kadib markii madaxa fulinta ee Karl-Heinz Rummenigge amaanay xiddiga.

Marka loo eego xaalada dhaqaale xum ee kooxaha La Liga Bayern Munich ayaa ah kooxda ugu fiican ee ku guulaysan karto saxiixa xiddiga 28 jirka.

Laakiin wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool u sheegtay Bayern Munich in aanu xiddigu iib ahayn wax walba oo dhaca.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa xiddig muhiim ah ka ah kooxda Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii 2017.


Source: laacibfm.com

SHARE