Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jirto Saxiixa Raphinha,Maxaa Cusub?


Kooxda Liverpool ayaa u muuqata mid ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Leeds United ee Raphinha sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Leeds United ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Douglas Costa si ay badal uga dhigaan xiddiga Raphinha kaas oo lala xidhiidhinayo Liverpool.

Liverpool ayaa la sheegayaa in ay Raphinha ka dhigatay bartilmaameedkeeda 1-aad ee suuqa xagaaga si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Fichajes ayaa sheegaya in ay Leeds United isku diyaarinayso dalabka uga yimaada kooxda Liverpool xagaaga waxana ay bartilmaameedsatay xidiga kooxda Juventus amaahda uga maqan ee Douglas Costa.

Tababare Klopp ayaa doonaya in uu saxiixa xiddiga Raphinha ka dhigo saxiixiisa ugu horeeya marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan


Source: laacibfm.com

SHARE