Man City Oo Jabisay Rikoodh Cajiib Ah Kadib Guushii Swansea Ee FA Cup-ka.


Kooxda Man City ayaa dhigtay rikoodh guulaha xidhiidhka ah ee taariikhda kubada cagta England kadib guushii ay ka gaadhay kooxda Swansea City tartanka FA Cup-ka.

Kooxda Pep Guardiola ayaa guul 3/1 ah ka gaadhay kooxda Swansea City kulan ka tirsanaa wareega 5-aad ee tartanka FA Cup-ka,

Guushaas ayaa Man City ka caawisay in ay gaadho guusheedii 15-aad oo xidhiidh ah tartamada oo dhan iyaga oo jabiyay rikoodhka oo ay kooxaha Preston iyo Arsenal dhigen sanadihii 1892 iyo 1987-kii.

Rikoodhka guulaha ee Man City ayaa bilowday kulan ay guul 1/0 ah ka gaadheen Southampton premier League 19 bishii December ee sanadkii hore.

Wixii intaas ka dambeeyay Man City ayaa garaacday kooxaha Newcastle United, Chelsea, Brighton, Crystal Palace, Aston Villa, West Brom, Sheffield United, Burnley & Liverpool Premier League iyo Arsenal iyo Man United oo Carabao Cup-ka ah iyo Birmingham, Cheltenham & Swansea oo FA Cup-ka ah.


Source: laacibfm.com

SHARE