Neymar Oo Ka Fal Celiyay In Uu Seegi Doono Kulanka Barcelona Ee Champions League.


Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa ka hadlay niyad jabka uu ka qabo dhaawa soo gaadhay ee uu uga maqnaan doono kooxdiisa wakhtiga soo socda.

Neymar ayaa ku dhaawacmay kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Caen waxana la xaqiijiyay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 4 todobaad ah.

Dhaawaca Neymar ayaa la macno ah in uu Seegi doono labada kulan ee wareega 16-ka ee champions League ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Barcelona.

Neymar ayaa barihiisa bulshada ku soo qoray”Ma awoodi karo in aan sameeyo waxa aan ugu jecelahay nolsha waana kubada cagta”.

“Mararka qaar raaxo kuma dareemo qaabka aan u ciyaaro, waxa aan doonaa in aan farsamo ku dhaafo xiddigaha kale taas oo keenta in aan mar walba dhaawacmo”.

“Ma garanayo in waxa aan samaynayo in ay hdibaato ku tahay ama ay dhibaatadu igu jirto aniga waana ka xumahay in aan dhaawacmo”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE