PSG Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xaalada Neymar, Waa Sidee Fursadiisa Ka Qayb Galka Kulanka Barcelona.

PSG Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xaalada Neymar, Waa Sidee Fursadiisa Ka Qayb Galka Kulanka Barcelona.


Kooxda PSG ayaa warbixin ka soo saartay dhaawaca xiddiga Neymar kaas oo ku dhaawacmay kulankii Caen ee tartanka French iyo waliba fursadihiisa ka qayb galka Kulanka Barcelona ee Champions league.

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa dhaawacmay daqiiqadii 60-aad iyada oo lagu badalay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Kylain Mbappe.

Neymar ayaa baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyay saacadihii la soo dhaafay waxana uu xiddigu ka dhaawacmay jilibka Lugta Midig.

Kooxda PSG ayaa sidoo kale xaqiijisay in uu Neymar garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah ama 4 todobaad sidaas darteed kama qayb gali doono labada kulan ee wareega 16-ka ee Champions League.

Warkan ayaa ah mid farxad u ah kooxda Barcelona marka loo eego in uu Neymar oo ah xiddigoodii hore halis weyn ku ahaa kulankaas.


Source: laacibfm.com

SHARE