Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka

Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka


Zinedine Zidane ayaa dib u helaya qaar ka mid ah xiddigaha kooxdiisa ka hor kulanka adag ee ay Axada la ciyaari doonaan Valencia.

Xiddigaha Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez ayaa dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda maanta oo khamiis ah taas oo war fiican u ah tababaraha.

Laakiin waxa wali Real Madrid dhaawac uga maqan xiddigaha Sergio Ramos, Alvaro Odriozola, Eder Militao, Marcelo, Fede Valverde, Eden Hazard & Rodrygo Goes.

Toni Kroos ayaa sidoo kale ku soo laaban doona shaxda Los Blancos kadib markii uu ganaax ku seegay kulankii Getafe.

Soo laabashada xiddigaha Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez ayaa imanaysa wakhti uu Zidane aad ugu baahnaa labada xiddig hadii ay noqoto dhanka daafaca iyo weerarkaba.


Source: laacibfm.com

SHARE