Ronaldo Koeman: Rikoodhe Ayaa Nalaga Diiday Kulankii Sevilla, Waanan Badin Karnaa Kulanka Lugta 2-aad.

Ronaldo Koeman: Rikoodhe Ayaa Nalaga Diiday Kulankii Sevilla, Waanan Badin Karnaa Kulanka Lugta 2-aad.


Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa sheega in uuna garsooruhu kooxdiisa u qaban rikoodhe kulankii ay guuldarada kala kulmeen kooxda Sevilla.

Koooxda Barcelona ayaa guuldaro 2/0 ah kala kulantay kooxda Sevilla kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Copa Del Rey-ga.

“Waa in aan qiimayno kulanka wax badan ayaa ka horeeya kulanka lugta 2-aad”ayuu Koeman yidhi.

“Waa in aan badino kulanka lugta 1-aad ee garoonkeena kulankuna wali wuu furanyahay”.

“Mar walba waxa jira shaki laga qabo rikoodhayaasha”ayuu Koeman sii raaciyay.

“Cid walba waxa ay ii sheegtay in ay rikoodhe ahayd, waxa ay sameeyeen khalad laakiin waxa uu ahaa mid maskaxaysan”.

“Waxan u malaynayaa in rikoodhe lagu galay Jordi Alba daqiiqadii 70-aad waxana jirta VAR laakiin Garsooruhu ma eegin”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE