Sheeko Cusub: Barcelona Oo Aan Wax Kulam Ah Ciyaarsiin Doonin Philippe Coutinho Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedkan & Liverpool Oo Sabab U Ah.

Sheeko Cusub: Barcelona Oo Aan Wax Kulam Ah Ciyaarsiin Doonin Philippe Coutinho Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedkan & Liverpool Oo Sabab U Ah.


Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ayna xiddiga Philippe Coutinho ciyaarsiin doonin inta ka dhiman xilli ciyaareedkan si ay uga fogaato in ay Liverpool siiso lacag dhan 4.5 milyan euro sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa ku jirta xaalada adag oo dhanka dhaqaalaha ah sabab la xidhiidha xanuunka Korona waxana ay raadinaysaa wado ay hoos ugu dhinto lacagaha ka baxaya.

Wargayska Onze ayaa sheegaya in ay kooxdu doonayso in ayna xitaa hal daqiiqo ciyaarsiin xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho si ay u ilaashato lacagaha ka baxaya.

Barcelona ayaa xiddiga Philippe Coutinho kala soo wareegtay Liverpool suuqii January 2018 waxana ay kula soo wareegtay lacag dhan 145 milyan oo ay ku jiraan lacagto guno ah.

Sidaas darteed Barcelona ayaa go’aansatay in ayna ciyaarsiin xiddiga Philippe Coutinho inta ka dhiman si ay lacagta 4.5 milyan meel kale ugu bixiso.

Sidaas darteed Philippe Coutinho ayaa sugi doona ilaa bilowga xilli ciyaareedka dambe si uu mar kale ugu ciyaaro kooxda 1-aad.

Lacagta ay Liverpool ku leedahay Barcelona ee gunooyinka ah ayaa ah 26 milyan oo euro waxana ay sugi doontaa muddo dheer.


Source: laacibfm.com

SHARE