Thomas Tuchel Oo Chelsea U Sheegay In Ay U Keenaan Xiddig Uu PSG Kula Shaqeeyay.


Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa maamulka Kooxdiisa chelsea u sheegay in ay xagaaga u keenaan xiddiga kooxda PSG ee Kays Ruiz-Atil.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa PSG u saftay kulankiisii ugu horeeyay bilowgii xilli ciyaareedkan iyada oo uu Tuchel siiyay fursadaas laakiin waxauu haatan ka baxay qorshaha tababare Mauricio Pochettino.

Heshiiska Kays Ruiz-Atil ee kooxda PSG ayaa dhici doona xagaaga waxana la rumaysanyahay in uuna heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda.

Wargayska Foot Mercato ayaa sheegaya in uu Thomas Tuchel taageero weyn uyahay xiddiga waliba maamulka kooxdiisa u sheegay in ay u keenaan xagaaga.

Kays Ruiz-Atil oo laga soo dalacay kooxda 19 jirada PSG ayaa xor u ah in uu ku biiro kooxda uu doonayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa muddo 6 sano ah ku soo qaatay kooxda PSG ka hor inta uuna sanadkii 2015 ku biirin kooxda PSG una safan 7 kulan kooxda 1-aad.


Source: laacibfm.com

SHARE