Wakhtiga Ay Kooxaha Juventus & Atalanta Ciyaari Doonaan Final-ka Coppa Italia Oo La Shaaciyay.

Wakhtiga Ay Kooxaha Juventus & Atalanta Ciyaari Doonaan Final-ka Coppa Italia Oo La Shaaciyay.


Kooxaha Juventu & Atalanta ayaa iska xaadiriyay Final-ka tartanka Coppa Italia ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay ka kala badiyeen kooxaha Inter Milan iyo Napoli.

Juventus ayaa Inter Milan kaga badisay 2/1 marka la isku daro natiijooyinka labada kulan maadama ay kulan bar-baro 0/0 ah ku kala bexeen.

Dhanka kale Kooxda Atalanta ayaa guul 3/1 ah ka gaadhay kooxda Napoli labadii lugood iyaga oo sidaas isaga xaadiriyay Final-ka tartanka.

Labada kooxood ee Juventus & Atalanta ayaa haatan ku kala bixi doona kulanka kama dambaysta ah ee koobka Coppa Italia xilli ciyaareedkan.

Xidhiidhka kubada Cagta Italy ayaa xaqiijiyay in ay labada kooxood isaga hor iman doonaan Final-ka 19 bish May ee soo socota.


Source: laacibfm.com

SHARE