WARBIXIN: Sababihii Ka Dambeeyay In Ay Barcelona Guuldaro Kala Kulanto Sevilla.


Kooxda Barcelona ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Sevilla kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Copa del Rey-ga xilli ciyaareedkan.

U soo bixista Barcelona ee Final-ka ayaa haatan noqday mid adag kadib markii ay guuldaro kala kulantay laakiin wax walba waa suurtagal kubada cagta.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa sababta ka dambaysay guuldaradii Barcelona ka soo gaadhay kooxda Sevilla.


1.Sevilla Oo Garaacday Barcelona Qaybta Hore:

Arinta la yaabka leh ayaa ah in ay Sevilla gaadhay Final-ka Copa Del Rey-ga kadib markii ay guul gaadhay lugta 1-aad 7 jeer oo hore kana mid ah 9 jeer.

Hadii aan ku soo laabano sababaha guuldarada kooxda Barcelona, xiddigaha kooxda Barcelona ayaa ahaa kuwo aan diirada saarin kulanka marka loo eego in ay heleen fursado cajiib ah oo ay ciyaarta kaga dhalin kareen goolal.

Kooxda Sevilla ayaa qaybtii hore ahayd kuwo ku raaxaysanaya kulanka iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed fiican sidoo kale ka faa’iidaystay maqnaansha maskaxeed ee kooxda Barcelona.

Xiddigaha Barcelona ayaan rabitaan weyn u hayn in ay guul gaadhaan kulanka waxana ay u muuqdeen kuwo maskaxdoodu meel kale ku maqantahay taas oo keentay in ay Sevilla fiicnaato qaybtii hore ee kulanka.


2.Umtiti Oo Khaladka Iska Leh:

Sababta kale ee guuldarada Barcelona ayaa ah qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay daafaca Samuel Umtiti kaas oo ka dambeeyay goolkii 1-aad ee ay dhalisay kooxda Sevilla isaga oo u muuqday mid iloobay sida loo difaacdo kubada.

Waxana aan odhan karnaa Umtiti ayaa door weyn ka qaatay guuldaradii kooxda Barcelona ka soo gaadhay kooxda Sevilla.


3.Qaab Ciyaareedka Yassine Bounou:

Goolhayaha kooxda Seviila ee Yassine Bounou ayaa sidoo kale sabab u ahaa guuldarada Barcelona marka loo eego badbaadinada uu sameeyay kuba badbaadiyay Goolkiisa.

Goolahye Yassine Bounou ayaa ugu yaraan sameeyay 3 badbaadin oo uu Lionel Messi gool ku doonayay waliba ahaa fursado gool cadaan ah laga filayay.

Sidaas darteed waxa uu Goolhaye Yassine Bounou kooxdiisa ka caawiyay in ay garaacdo kooxda Barcelona kulanka.


Source: laacibfm.com

SHARE