Xiddig Arsenal Lala Xidhiidhinayay Oo Xaqiijiyay In Uu Wadahadalo Kula Jiro Kooxo Premier League.


Xiddiga Manor Soloman ayaa xaqiijiyay in uu haatanba wadahadalo kula jiro kooxo Premier League si uu ugu soo biiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa bartilmaameed u ahaa kooxda Arsenal bishii January xilli uu Mikel Arteta doonayay xiddiga si uu ugu xoojiyo kooxdiisa.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay wadahadalo la qaadatay Manor Soloman bishii hore laakiin xiddiga ayaa sheegay in uu kooxo dhawr ah oo premier League ah sidoo kale wadahadalo la qaatay.

“Waxa aan wadahadalo la qaatay kooxo badan oo England ah”ayuu yidhi xiddiga reer Israel.

“Riyadayda ayaa ah in aan ka ciyaaro Premier League waana dookhayga ugu fiicna”.

“Kooxaha Premier League-na waxa ay bixin karaan lacag fiican”.


Source: laacibfm.com

SHARE