Bayern Munich Oo Bar-Baraysay Rikoodh Ay Barcelona Kali Ku Ahayd.

Bayern Munich Oo Bar-Baraysay Rikoodh Ay Barcelona Kali Ku Ahayd.


Kooxda Bayern Munich ayaa ku guulaystay Koobka Club World Cup-ka kadib markii ay garaacday kooxda Tiger UANL kulan ka dhacay dalka Qatar.

Kadib guushaas kooxda Bayern Munich ayaa bar-baraysay rikoodh taariikhi ah oo ay kaliya dhigtay kooxda Barcelona.

Kooxda Bayern Munich ayaa noqotay kaliya kooxda 2-aad ee taariikhda kubada cagta ku guulaystay 6 koob oo waaweyn xilli ciyaareed kaliya.

Kooxda Barcelona ayaa rikoodhkaas kaga horaysay iyaga oo markii hore ahayd kooxda kaliya ee sidaas samaysay taariikhda kubada cagta.

Kooxda Barcelona ayaa 6 koob ku guulaystay xilli ciyaareedkii 2008/2009 markaas oo uu kooxda hogaaminayay tababare Pep Guardiola.


Source: laacibfm.com

SHARE