Chelsea Oo Dagsatay Qorshe Ay Ku Doonayso Saxiixa Christian Eriksen


Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso in ay Inter Milan ula tagto heshiis isku badalasho ah oo ay kaga doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen.

Chelsea ayaa la sheegayaa in ay dhankeeda diyaar ula tahay xiddiga khadka dhexe ee Jorginho si ay u helaan saxiixa Christian Eriksen.

Inkasta oo warar xan ah ka jiraan mustaqbalkooda hadana labada xiddig ayaa si joogto ah ugu ciyaara kooxohooda kulamadii ugu dambeeyay.

Inter ayaa ku fashilantay in ay iska iibiso Christian Eriksen suuqii January sabab la xidhiidha in ay wayday koox dalab ka gudbisa waxana dhanka kale jirtay xiiso u yimid xiddiga Jorginho.

Haatan Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay labada kooxood wadahadalo isku badalasho ah furayaan si ay u helaan labada xiddig xagaaga.

Inter ayaa la sheegayaa in ay kooxda Chelsea ku riixayso heshiis isku badalasho toos ah halka ay chelsea doonayso in ay lacag yar ka hesho xiddiga Jorginho.


Source: laacibfm.com

SHARE