DEG-DEG: Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Premeir League Bishii January Oo La Shaaciyay.

DEG-DEG: Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Premeir League Bishii January Oo La Shaaciyay.


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Ilkay Gundogan ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa Premier League bishii January.

Xiddiga khadka dhexe ayaa dhaliyay 5 gool bishii la soo dhaafay isaga oo goolal ka dhaliyay kooxaha chelsea, Crystal Palace, iyo West Brom.

Sidoo kale xiddiga khadka dhexe ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay gaadho 6 kulan oo xidhiidh ah waliba hogaanka u hayso horyaalka premier League.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee Man City ah oo abaalmarinta ku guulaystay tan ilaa bishii January 2020.

Ilkay Gundogan Ayaa baalmarinta ku garaacay xiddigaha Craig Dawson, Jack Grealish, Bernd Leno, James Maddison, Matheus Pereira, Bukayo Saka & John Stones.


Source: laacibfm.com

SHARE