Dejan Lovren Oo Liverpool Fariin Uga Diray Mustaqbalka Mohamed Salah, Maxaa Cusub?


Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Dejan Lovren ayaa taageerayaasha iyo Kooxda Liverpool u sheegay in uu Mohamed Salah sii joogi doono Anfield inkasta oo uu shaki ku jiray mustaqbalka xiddiga wakhtigii ugu dambeeyay.

Salah ayaa dhawaan diiday in uu meesha ka saaro in uu ku biiro koxaha Barcelona iyo Real Madrid xilli ay Bayern Munich dhawaan sheegtay in ay doonayso saxiixa xiddiga.

Lovren oo u ciyaara kooxda Zenit St Petersburg ayaa xidhiidh dhaw la leh Mohamed Salah waxana uu sheegay in uu Mohamed Salah sii joogi doono Liverpool.

“Wali waan la xidhiidhaa Mohamed Salah, waxa aan nahay saaxiibo wanaagsan, wax walba waan ka wadahadalnaa waxana uu ii sheegay in uu wakhti dheer sii joogi doono Liverpool”ayuu yidhi.

Salah ayaa dhaliyay 16 gool oo horyaalka premier League ah xilli ciyaareedkan isaga oo hogaaminaya gool dhalinta horyaalka premier League.


Source: laacibfm.com

SHARE