Hordhac: Barcelona vs Deportivo Alaves: Barca Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Alaves.

Hordhac: Barcelona vs Deportivo Alaves: Barca Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Alaves.


Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Deportivo Alaves kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoonka Camp Nou.

Kooxda Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira kulamada horyaalka iyaga oo badiyay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Dhanka kale kooxda Deportivo Alaves ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo kaliya hal kulan badiyay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga.


Kulanka: Barcelona Vs Deportivo Alaves


Tartanka: La Liga


Wakhtiga: 11:00


Garoonka: Camp Nou


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa guuldaro ka fogaatay 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka La Liga ka hor tageen Alaves iyaag oo cel-celis ahaan gool ka dhalyay 3.1 kulamadaas.

Barcelona ayaa Alvaes ku garaacday garoonkeeda Camp Nou 12 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga iyaga oo kaliya hal kulan ku fashilmay in ay gool ka dhaliyaan.

Alaves ayaa laga dhaliyay 6 gool iyo wax ka badan 4 kulan oo kala duwan oo horyaalka La Liga ah oo ay ka hor tagtay kooxda Barcelona waana kooxda ugu badan ee goolal ka dhalisa.

Barcelona ayaa ku fashilantay in ay gool dhaliso kaliya hal kulan oo ka mid ah 56-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay La Liga ku ciyaartay garoonkeeda Camp Nou.


Source: laacibfm.com

SHARE