Kabak iyo Ben Davies Miyay Ciyaarayaan Kulanka Leicester City , Macalin Klopp Ayaa Ka Jawaabay

Kabak iyo Ben Davies Miyay Ciyaarayaan Kulanka Leicester City , Macalin Klopp Ayaa Ka Jawaabay


Tababaraha kooxda Liverpool ee Klopp ayaa daafacyadiisa uga digay halista uu leeyahay weeraryahanka Leicester City Jamie Vardy

Hadalkaan ayaa imaanaya ka hor kulanka ee horyaalka ee wareegga 24-aad , wax uuna xusay in Vardy uu yahay xiddig halistiisa ay taagan tahay mar waliba

Waxa kale uu u gacan haatiyay macalinka in ay suura gal tahay in midkood labada daafac ee cusub ee kooxda uu safan doono kulankaas.

” Hab ciyaareedka Vardy waa mid lagu wareero , koox waliba ayuu dhuunta u galaa , waana laga yaabaa in midkood labada daafaca Kabak iyo Ben Davies ka hor tagaan weeraryahankaas” ayuu yiri Klopp

” Tababarka maanta waxaan xoogga ku saarnay casharo gaar ah oo ku aadan dhanka daafaca , waxaan diyaarinay qorhse halista weerarka Leicester City lagu istaajinayo”.


Source: laacibfm.com

SHARE