Klopp Oo Xaqiijiyay Xiddig Muhiim Ah Oo Kooxdiisa Ka Maqnaan Doona Kulanka Leicester City.

Klopp Oo Xaqiijiyay Xiddig Muhiim Ah Oo Kooxdiisa Ka Maqnaan Doona Kulanka Leicester City.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp aya xaqiijiyay in uu xiddiga Fabinho ka maqnaan doono kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Leicester City horyaalka Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Leicester City kulan adag oo premier League ah Sabtida xilli ay isha ku hayaan in ay ku soo laabtaan wadada guulaha.

Laakiin Liverpool ayaa waayi doonta xiddiga Fabinho kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay xiddiga intii lagu jiray kulankii Man City ee Premier League.

Klopp oo ka hadlaya shirkii ka horeeyay kulanka Leciester City ayaa yidhi”Fabinho ma ciyaari doono kulanka Leicester City”.

“Sababta oo ah waxa uu mar kale dhaawac ka dareemay muruqa sidaas darteed ma ciyaari doono kulanka”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE