La Ogaaday: Xiddig Barceona Ah Oo Ay Arsenal Ku Fashilantay Saxiixa Xiddig Barcelona Ah Ka Hor Intii Ayna La Saxiixan Martin Odegaard.

La Ogaaday: Xiddig Barceona Ah Oo Ay Arsenal Ku Fashilantay Saxiixa Xiddig Barcelona Ah Ka Hor Intii Ayna La Saxiixan Martin Odegaard.


Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku fashilantay saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Riqui Puig ka hor intii ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Martin Odegaard.

Mikel Arteta ayaa si aad ah u doonayay xiddig khadka dhexe ah intii lagu jiray suuqii January kadib markii ay kooxdiisu ku dhibaatootay in ay kubad sameeyaan.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayay xiddigo badan si ay kooxdu ugu xoojiso khadka dhexe laakiin waxa ay ku dhibaatootootay in ay heshis xiddigo jaban.

Arsenal ayaa isku dayday in ay qaab amaah ah ku hesho saxiixa xiddiga da’yarka kooxda Barcelona ee Riqui Puig si ay ugu xoojiso khadka dhexe.

Laakiin kooxda Barcelona ayaa diiday in ay iibiso xiddiga maadama uu Ronald Koeman doonayay in uu sii haysto xiddiga khadka dhexe ee da’yarka ah.

Arintaas ayaa keentay in ay Arsenal u leexato saxiixa xiddiga Martin Odegaard kaas oo ay qaab amaah ah uga heshay kooxda Real Madrid.


Source: laacibfm.com

SHARE