Laba Koox Oo Waaweyn Oo Reer Yurub Ah Oo Doonaya Hakim Ziyech

Laba Koox Oo Waaweyn Oo Reer Yurub Ah Oo Doonaya Hakim Ziyech


Kooxaha rer Italy ee Ac Milan iyo Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku hayaan saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Hakim Ziyech.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa xagaagii ku soo biiray chelsea isaga oo kaga soo biirayy Ajax laakiin ku dhibaatooday in uu saamayn ku yeesho kooxda isaga oo kaliya 2 gool iyo 4 caawin sameeyay 19 kulan oo uu ciyaaray.

Hakim Ziyech ayaan ciyaarin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay premier League waxana ay u muuqataa in uuna xiddigu ku jirin qordhahah tababare Thomas Tuchel.

Wargayska Calciomercatoweb ayaa sheegaya in ay kooxaha Ac Milan iyo Juventus si gaar ah ula socdaan xiddiga Hakim Ziyech iyaga oo isku diyaarinaya in ay saxiixiisa u dhaqaaqaan xagaaga.

Labada Kooxood ayaa aaminsan in ay heli karaan xiddiga hadii uu tababare Tuchel sii wado in uuna ciyaarsiin xiddiga.


Source: laacibfm.com

SHARE