Luis Suarez Oo Jabiyay Rikoodh Goolasha Ah Oo Uu Dhigay Cristiano Ronaldo.


Xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Luis Suárez ayaa jabiyay rikoodh uu Cristiano Ronaldo ka dhigay horyaalka La Liga intii uu joogay kooxda Real Madrid.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ee Luis Suárez ayaa sii wada wacdarihii uu dhigayay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda hogaaminaysa horyaalka.

Luis Suárez ayaa dhaliyay 16 gool 17-kii kulan ee ugu horeeyay ee uu Atletico Madrid u ciyaaray horyaalka La Liga waana xiddigii ugu dhakhsaha badnaa ee rikoodhkaas gaadha qarniga 21-aad.

Sidoo kale waa xiddigii ugu horeeyay ee 16 gool dhaliyay 17-kii kulan ee ugu horeeyay ee La Liga isaga oo Dhaafay Cristaino Ronaldo Oo 15 gool u dhaliyay 17-kiisii kulan ee ugu horeeyay Real Madrid 2009/2010.


Source: laacibfm.com

SHARE