Mikel Arteta Oo Kashifa Sababta Uuna Gabriel Martinelli Ugu Bilaaban Shaxdiisa.

Mikel Arteta Oo Kashifa Sababta Uuna Gabriel Martinelli Ugu Bilaaban Shaxdiisa.


Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sharaxa sababta uuna xiddiga Gabriel Martinelli ugu bilaaban shaxda Arsenal kulamadii ugu dambeeyay.

Mikel Arteta ayaa sheegay in uuna xiddiga Gabriel Martinelli Taam u ahayn in uu ku bilowdo shaxda Arsenal kulamadii ugu dambeeyay.

Gabriel Martinelli ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa soo gaadhay dhaawac halis ah dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga Gabriel Martinelli ayaa ku soo laabtay garoomada bishii December laakiin waxa uu mar kale ka dhaawacmay jilibka xilli uu ku jiro tababarkii uu isugu diyaarinayay kulankii Newcastle.

Markii tababare Mikel Arteta wax laga waydiiyay sababta uuna xiddigu u ciyaarin kulamadii ugu dambeeyay ayuu Mikel Arteta yidhi”Waxa uu ku soo laabtay tababarka waxana uu qabanayay shaqo fiican kadib waxa soo gaadhay dhaawac kale waxana ay ku qaadatay wakhti in uu taam u noqdo kulanka”.


Source: laacibfm.com

SHARE