Miyay Man United Wali Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Edinson Cavani & Juan Mata.


Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ayna Man United wali wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalka xiddigaha Edinson Cavani & Juan Mata

Heshiiska labada xiddig ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin Reds ayaa dookh u haysata in ay heshiis sanad ah ka saxiixato xiddiga.

Cavani ayaa Man United si xor ugu soo biiray Man United xagaagii waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 7 gool 23 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa gool dhaliyay labadii kulan ee ugu dambeeyay premier League isaga oo noqday dookha 1-aad ee weerarka Man United.

Dhanka kale Mata ayaa kaliya 6 kulan u ciyaaray Man United sidoo kale aan kulamo badan ciyaarin Premier League xilli ciyaareedkan.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ayna Man United wali wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalka labada xiddig.


Source: laacibfm.com

SHARE