Miyuu Jorginho Ka Huleelayaa Chelsea , Wakiilkiisa Ayaa Jawaab Ka Bixiyay.


Wakiilka xiddiga Chelsea ee Jorginho ayaa dhaliyay shaki la xariira mustaqbalka laacibka e kooxdaas ka dhisan galbeedka London .

Wakiilka ayaa xusay in aan daaqadda laga saari karin in ay dhici karto in laacibka ka heelo Chelsea waliba uu dib ugu laabto horyaalka Italy

” Kubad cagta wax waliba ayaa ka dhici kara” ayuu Santon ka yiri Radio Kiss Napoli”.

Jorginho ayaa si weyn loo xariirinayaa kooxda Napoli xilli wakiilka xittaa uu diiday in uu daaqadda ka saaro sheekooyinkaas.

Hishiiska Jorginho ee Chelsea waxaa ka harsan weli laba sano waxa uuna haatan fursad ka helayaa macalinka cusubn ee kooxda.

Laacibkaas ayaa horay uga soo ciyaaray horyalaka Italy gaar ahaan Napoli .


Source: laacibfm.com

SHARE