Real Madrid Oo Man United Ku Cidhiidhinaysa Xiddig Wacdaro Ku Dhigay Barcelona


Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay daafaca Sevilla ee Jules Kounde ka dhigatay bartilmaameed suuqa xagaaga.

Los Blancos ayaa ku dhaw in ay waydo Sergio Ramos kaas oo xor uga tagi doona kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Zidane ayaa laakiin lagu soo waramayaa in uu doonayo daafaca Bayern Munich ee David Alaba kaas oo boosas badan ka ciyaari kara.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in Kounde bartilmaameed u noqday kooxda Real Madrid si ay kooxdu ugu xoojiso xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira isaga oo kooxda Barcelona gool cajiib ah ka dhaliyay Semi-final-kii Copa Del Rey-ga.


Source: laacibfm.com

SHARE