Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Dhaawaca Eden Hazard.


Ka soo muuqashadii Eden Hazard ee tababarka Real Madrid maanta oo jimce ah ayaa la macno ah in uuna dhaawaciisu ahayn mid u xun sidii laga cabsi qabay.

Xiddiga reer Belguim ayaa la filayay in uu garoomada ka maqnaado muddo 6 todobaad ah kadib dhaawacii soo gaadhay laakiin xiddiga ayaa haatanba ku soo laabta tababarka fudud.

Sidaas darteed Kooxda Real Madrid ayaa dib u heli doonta xiddiga Eden Hazard si ka deg-deg badan sidii markii hore la filayay.

Warkan ayaa ah war u fiican kooxda Real Madrid marka loo eego in ay kooxdu ku dhibaatoonayso dhaawacyo badan kulamadii ugu dambeeyay.


Source: laacibfm.com

SHARE