Sedex Rikoor Oo Uu Dhigi Karo Ramos Haddii Uu Real U Saxiixo Hishiis Cusub


Kabtanka Real madrid ee Sergio Ramos ayaa aad loogu badinayaa in uu ka huleelayo kooxdaas marka xilli ciyaareedka uu dhamaado

Wararka qaar waxa ay la xariirinayaan horyaalka Mareykanka halka qaarn xusayaan in uu aadi doono PSG , hadaba waxaan soo kobeynaa 3 qodob oo uu Ramos ku dhigo karo rikoor haddii uu sii joogo Real .

Laacibkaan waxa uu u dhaw yahay in uu noqdo laacibka ugu safashada badan xilli ciyaareedyada Real waa haddii uu qalinka uu ku duugo hishiis cusub waxa ayna taasi u baahan tahay in uu sameeyo hishiish dheeraad ah oo gaaraya hal sano iyo bar si rikooradaas uu u dhigo.

Ugu horeyn waxa Ramos u dhaw yahay in uu noqdo laacibka ugu safashada badan xilli ciyaareedyada Real

Illaa haatan waxa uu Real la soo muuqday 16 xilli ciyaareed waxa uuna u baahan yahay in uu kooxdaas iska sii joogo laba xilli ciyaareed kale si uu uu jibiyo rikoorka 18 ka xilli ciyaareed ee ay haatan haystaan Francisco Gento iyo Miguel Ángel González

* Laacibka ugu badan dhanka koobabka ee taariikhda kooxda , rikoorkaas waxa uu jibin karaa iyadoo uusan saxiixin hishiis cusub , kaliya waxa uu u baahan yahay in Rela xilli ciyaareedkaan uu la qaado horyaalka ama Champion-ka waana arin aan laheyn damaanad qaad xilligaan .

Ramos iyo Marcelo waa ay Real la qaadeen 22 koob waxa ayna kaliya hal koob u jiraan Francisco Gento

* Kabtanka ugu waqtiga dheer taariikhda Real Madrid , 9 xilli ciyaareed ayuu wadan karaa , haatan 6 sano ayuu wataaa , Chendo waxa uu watay 8 xilli ciyaareed , Félix Quesada iy Raul-jna min 7 jeer , sidaa darteed waa in hishiiskiisa uu garasiiyaa illa aiyo xagaaga 2022-ka


Source: laacibfm.com

SHARE