Wakiilka Pogba Oo Dhaliyay Shaki Weyn Ee La Xariira Mustaqbalka Laacibka Ee Old Trafford.

Wakiilka qadka dhexe United ee Pogba ayaa gaashaanka u daruuray in uu go`aamiyo sida uu yahay mustaqbalka laacibka ee Old Trafford ee ku aadan midkood in uu baxayo ama uu joogayo .
Hishiiska laacibkaas hore Juventus ee qalcadda Old Trafford ayaa dhamaanaya xagaaga 2022-ka , waxaana in muddo ah lala xariirinayaa in midkood uu aadi doono Real ama Juve.
Wakiilkaas Mino Raiola ayaa wargeyska AS ka yiri ” Mustaqbalka Pogba? waxaa qasab ah in aan arintaas u daayo go`aankeeda laacibka”.
” Marka aan arimahaas ka hadlo waxaa dhalaneysa wel wel waxana jiraya dad aan seexaneyn habeenkii , sidaa darteed mar dambe kama hadlayo”.
Waxa uu wakiilka intaas ii raaciyay” waxaan sameynayaa waxa qasabka ay tahay in aan sameeyo balse hortiina kuma semeynayn doono , qaab hoose , mudgi ah ayaan ku sameynayaa”.
Arintaan ayaa imaaneysa xilli Pogba haatan uu dhigayo wacdaro waxaana muuqaneysa in heer ciyaareedkiisa uu soo laabtay
Source: laacibfm.com