WARBIXIN: Bayern Munich 2020 vs Barcelona 2009: Kooxdee Ahayd Kooxda Fiican, Is Bar-Bar Dhig Lagu Sameeyay.


Taariikhda kubada cagta labada kooxood ee wax walba ku guulaystay waa Barcelona oo sidaas samaysay sanadkii 2009 iyo Bayern Munich oo sidaas samaysay sanadka 2020.

Kadib markii ay garaaceen kooxda Tigers Bayern Munich ayaa ku guulaystay dhamaan 6-dii koob ee sanadka.


Hadaba Halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa is bar-bar dhig lagu sameeyay labada kooxood.


Horyaalka:

Labada kooxood ayaa horyaalka ku guulaystay si aan dhib lahayn iyada oo Barcelona ku qaaday 87 dhicbood iyaga oo 9 dhibcood ka horeeyay kooxda Real Madrid halka Bayern Munich ku qaaday 82 dhibcood 15 dhibcoodna ka horeeyay kooxda Borussia Dortmund.

Barcelona ayaa badisay 27 kulan bar-baro gashay 6 kulan lagana badiyay 5 kulan iyaga oo dhaliyay 105 gool halka laga dhaliyay 34 koob.

Kooxda Bayern Munich ayaa ku jirtay kalainta 7-aad kadib 14 kulan oo ay ciyaartay xilli ciyaareedka taas oo keentay in shaqada laga caydhiyo tababare Niko Kovac laakiin kadib waxa ay badiyeen 19 ka mid ah 20 kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkii hore.


Koobka:

Barcelona ayaa ku guulaystay 7 kulan laba kulana badisay iyaga oo dhaliyay 15 gool lagan dhaliyay kaliya 8 gool kna guulaystay Copa Del Rey-ga.

Kooxda Barcelona ayaa badisay dhamaan 6-dii kulan ee koobka DFB-Pokal iyaga oo dhaliyay 16 gool lagana dhaliyay 8 kaliya.


Champions League:

Arinta la yaabka leh ayaa ah in ay Barcelona ku dhamaystay kaalinta 3-aad horyaalka taas oo keentay in ay ciyaarto kulamo is reeb-reeb ah si ay ugu soo baxdo champions League iyaga oo 4/1 kaga badiyay kooxda Wisla Krakow labadii kulan ee ay ciyaartay.

Barcelona ayaa kadib badisay 5-tii kulan ee ugu horeeyay wareega Group-yada ka hor inta aan laga badin kulankii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada laakiin waxa ay badiyeen labadii kulan ee wareegyadii dambe ilaa Final-kii.

Bayern Munich ayaa dhanka kale badisay dhamaan 11-kii kulan ee champions league iyaga oo 1/0 uga badiyay Bayern Munich Final-kii tartanka.


Super Cup:

Kooxda Bayern Munich ayaa Germany Super Cup-ka 3/2 ku garaacday Borussia Dortmund halka ay Barcelona 5/1 ku garaacday Labadii kulan ee Spanish Super Cup-ka iyaga oo ka badiyay Athletic Bilbao.


UEFA Super Cup:

Labada kooxoodba waxa ay u baahdeen Wakhti dheer ah si ay uga badiyaan kooxihii ka soo badiyay Europa League iyada oo uu Pedro dhaliyay goolka guusha kulankii ay Barcelona 1/0 uga badisay kooxda Shakhtar Donetsk.

Dhanka kale xiddiga Javi Martinez ayaa dhaliyay goolka guusha kulankii 2/1 ahaa ee ay Bayern Munich ka badisay kooxda Sevilla.


Club World Cup:

Kooxda Bayern Munich ayaa 1/0 uga badisay kooxda Tigers laakiin Barcelona ayaa u baahatahay wakhti dheer ah si ay u garaacdo kooxda Estudiantes de La Plata iyada oo uu Lionel Messi goolka guusha dhaliyay.


Xogta Guud ee labada kooxood:

Kooxdii Barcelona ee uu hogaaminayay Pep Guardiola ayaa xilli ciyaareedka ku dhamaystay 46 guul, 13 bar-bar iyo 6 guuldaro iyaga oo dhaliyay 163 lagana dhaliyay 59 gool.

Bayern Munich ayaa gaadhay 47 guul, 4 Bar-baro iyo 4 guuldaro iyaga oo dhaliyay 167 gool iyaga oo laga dhaliyay 51 gool.


Source: laacibfm.com

SHARE