Arsenal Oo Ku Dhaw Saxiixa Cristiano Ronaldo-ha Cusub

Arsenal Oo Ku Dhaw Saxiixa Cristiano Ronaldo-ha Cusub


Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay dhameystirto saxiixa weeraryahanka Sporting Lisbon Tiago Tomas kaas oo ay kula soo wareegayso lacag dhan 20 milyan oo euro.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa loo soo dalacay kooxda 1-aad xilli ciyaareedkan waxana uu si joogto ah ugu ciyaaraa kooxdiisa reer Portugal ee Sporting Libson.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in Agaasimaha kooxda Arsenal ee Edu la xidhiidhay Agaasimaha kooxda Sporting Libson Hugo Viana si ay u dhamaystirto kooxdu saxiixa xiddiga.

Xiddiga da’yarka ah ayaa heshiis cusub saxiixay sanadkii 2020 waxana heshiiskiisa lagu bur-burin karaa lacag dhan 52 milyan oo euro.

Laakiin sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale ee uu xanuunka Korona ku sababay kooxda Sporting waxa la fahamsanyahay in ay aqbali karto lacag dhan 20 milyan ooeuro.

Edu ayaa aaminsan in uu xiddiga Tomas noqon karo Cristiano Ronaldo-ha cusub mustaqbalka marka oo eego qaab ciyaareedkiisa.

Tomas ayaa ciyaaray 25 kulan tartamada oo dhan waxana uu dhaliyay 5 gool 3 kalena caawiye ayuu ka noqday.


Source: laacibfm.com

SHARE