Arsene Wenger Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ugu Dhamaysan Karto Boosaska Champions League Kadib Guuldaradii Leicester City.


Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa sheegay in ay jirto fursad weyn oo ay Liverpool ku dhamaysan waydo boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Liverpool ayaa guuldaradii 3-aad oo xidhiidh ah la kulantay kadib markii ay guuldaro 3/1 ah kala kulantay kooxda Liecester City.

Liverpool ayaa goolka ku hor martay laakiin waxa ay bur-burtay 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ee ciyaarta iyaga oo laga dhaliyay 3 gool oo 7 daqiiqo ah.

Arsene Wenger ayaa falanqeeye ka ahaa shabaqada beIN SPORTS waxana laga waydiiyay in ay jirto fursad weyn oo ay Liverpoola xitaa uga hadhi doonto champions League xilli ciyaareedka dambe waxana uu ku jawaabay”Haa way jirtaa sababta oo ah waxa ay u muuqataa in ay wax weyn ka khaldameen kooxda”.

Kooxda Liverpool ayaa kaalinta 7-aad gali karta Isniinta hadii ay badiyaan kooxaha Chelsea, West Ham iyo Everton kulamadooda.


Source: laacibfm.com

SHARE