Bayern Munich, Liverpool Mise Chelsea? Dayot Upamecano Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biiri Doono Xagaaga.


Tartankii loogu jiray saxiixa daafaca kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano ayaa u muuqda mid lagu kala baxay ka hor inta uuna furmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Dayot Upamecano ayaa doortay kooxda Bayern Munich isaga oo iska diiday kooxaha kale ee Premier League ee Liverpool iyo Chelsea.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa ka mid ah xiddigaha daafaca ugu fiican kubada cagta haatan waxana lala xidhiidhinayay kooxo badan.

Kooxda Bayern Munich ayaana u muuqata kuwo saxiixa daafaca ku garaacay kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Man Unitediyada oo agaasimaha kooxda Bayern Munich xaqiijiyay in ay kooxdu ku dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa daafaca.

Wargayska Bild ayaa waydiiyay in ay kooxdu ku dhawdahay saxiixa Dayot Upamecano waxana uu yidhi”Waxa aan xaqiijin karaa in aan ku dhawnahay saixixa Dayot Upamecano waxana uu doortay Bayern Munich”.

Kooxda Bayern Munich ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay bixiso lacagta 45-ka milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa kooxda RB Leipzig.


Source: laacibfm.com

SHARE