CAJIIB: Ilkay Gundogan Oo Kaligiis Ka Goolal Badan 14 Kooxood Premier League Sanadka 2021, Liverpool Ayaa Ugu Horaysa.


Xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisa cajiibka ahaa ee uu ku jiro sanadka 2021 kadib laba gool oo uu ka dhaliyay Tottenham.

Ilkay Gundogan ayaa dhaliyay goolkiisii 9-aad ee sanadka 2021 kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kooxda Tottenham horyaalka Premier Leageu.

Ilkay Gundogan ayaa ciyaaray 9 kulan waxana uu dhaliyay 9 gool horyaalka premier League sanadka 2021 oo haatan lagu jiro bishiisii 2-aad.

Ilkay Gundogan ayaa ka goolal badan 14 kooxood oo premier League ah sanadka 2021 waxana ugu horaysa kooxda Liverpool oo ku dhibaatoonaysa sanadkan 2021 qaab ciyaareedka.

  1. Liverpool
  2. Sheffield United
  3. Everton
  4. Fulham
  5. Southampton
  6. Burnley
  7. Aston Villa
  8. West Brom
  9. Newcastle United
  10. Crystal Palace
  11. Leeds United
  12. Everton
  13. Wolves
  14. Brighton


Source: laacibfm.com

SHARE