Chelsea Iyo Liverpool Oo Isku Baacsanaya Saaxiibka Dayot Upamecano Kadib Markii Ay Bayern Munich Ku Guulaystay Saxiixiisa.

Chelsea Iyo Liverpool Oo Isku Baacsanaya Saaxiibka Dayot Upamecano Kadib Markii Ay Bayern Munich Ku Guulaystay Saxiixiisa.


Kooxda Bayern Munich ayaa kooxaha Premier League ku garaacday saxiixa daafaca kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano kaas oo ay dhamaystiri doonto saxiixiisa xagaaga.

Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool xagaaga si xoogan suuqa ugu gali doonto saxiixa daafac cusub kadib markiibadii dhaawac ee ku habsatay daafaciisa xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Jurgen Klopp maamulkiisa u sheegay in ay la soo saxiixdaan saaxiibka Dayot Upamecano ee Ibrahima Konaté marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaan kali ku ahaan doonin baacsiga Ibrahima Konaté maadama kooxaha chelsea iyo Man United oo dhankooda doonaya daafac cusub bartilmamaeed sadeen saxiixa daafaca Ibrahima Konaté.

Xiddiga Ibrahima Konaté oo 21 jir ah ayaa muhiim ka ah kooxda RB Leipzig waxana uu xilli ciyaareedkan soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.


Source: laacibfm.com

SHARE