Chelsea Oo War Fiican Ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jirto David Alaba, Maxaa Cusub?.


Kooxda chelsea ayaa rajo ka heshay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa daafaca kooxda Bayern Munich ee David Alab kadib markii ay kooxda Bayer xaqiijisay in ay la soo saxiixan doonto daafaca RB Leipzig ee Dayot Upamecano.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa doonaysay saxiixa daafaca Alaba si ay ugu xoojiyaan daafaca dhexe suuqa xagaaga.

Wargayska Football London ayaa sheegaya in ay Chelsea ku faraxsantahay arintaas maadama ay dhankooda heli doonaan fursad ay xagaaga kula saxiixdaan xiddiga David Alaba oo bartilmaameed u ah kooxda.

Kooxda Bayern Munich ayaa xalay xaqiijisay in ay ku guulaysteen saxiixa daafaca Dayot Upamecano kaas oo xagaaga ku biiri doona kooxdooda.


Source: laacibfm.com

SHARE