Gabriel Martinelli Oo Fariin U Diray Mikel Arteta

Gabriel Martinelli Oo Fariin U Diray Mikel Arteta


Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Gabriel Martinelli ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda kulamada soo socda.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Gunners tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii 2019 isaga oo dhaliyay 10 gool 5 kalena caawiye ka noqday 33 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Gabriel Martinelli ayaa dhawaan ka soo kabsaday dhaawac jilibka ah waxana sidoo kale mar kale ka dhaawacmay kuraanta.

Xiddiga da’yarka ah ayaa 2 kulan u saftay Arsenal Premier League tan ilaa dhamaadkii December laakiin waxa uu haatan Mikel Arteta u sheegay in uu doonayo in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda.

“Kulamadii ugu dambeeyay waxa aan ku dhibaatoonayay dhaawacyo laakiin haatan wax xanuun ah ma dareenayo waana arin muhiim ah”.

“Haatan waxa aan diyaar u ahay in aan ciyaaro marka uu Mikel ii baahdo”.


Source: laacibfm.com

SHARE